DF oo beenisay in Mucaaradka loola jeedo amarka hubka looga joojiyey Garoonka Aden cadde

DF ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha keenay Go’aanka lagu mamnuucay in Mas’uuliyiinta ay ciidan hubeysan la galaan Garoonka dayuuradaha Aadan-cadde ee Magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Garoonka Dayuuradaha Muqdisho Cabdi Ashkir Jaamac ayaa sheegay iney iyagu dalbadeen in dadka mas’uuliyiinta ah aysan hubka la soo gelin gudaha garoonka.

“Amniga Garoonka Aadan-cadde waa mid la isku haleyn karo, sababaha aanu u dalbanay inaan hub lala soo gelina waxay tahay in Gudaha Garoonka markii ay mas’uuliyiin ka duulayaan ama kasoo degayaan ay ku arkaan ciidamo isbarbar yaacaya oo wata hub fara badan, taasoo sababi karta amni darro” ayuu yiri Maareeyaha

Mar wax laga weydiiyey in go’aankan uu yahay mid siyaasadeed oo loola dan leeyahay Midowga Musharixiinta & xubnaha Mucaaradka ayuu sheegay inaysan jirin dad si gaar ah loogu takoorayo, balse ujeedada kaliya ee laga leeyahay ay tahay sugida amniga.

Sanadkii 2016-kii xilligii dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu sheegay in la soo saaray go’aan kan la mid ah, arintana ay taas la mid tahay, wuxuuna sheegay iney qalad tahay siyaasadeynta arrimaha amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -