Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble oo goor dhow gaaray xerada Ciidamada Bali-doogle

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble & wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Xerada ciidamada dowladda ee Balli-doogle oo ku taalla duleedka degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ka mid ah xubnaha la socda RW Rooble waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Saraakiil iyo xubno kale oo ku sugnaa xeradaas.

Inta uu ku sugan yahay xeradaas ayaa RW Rooble waxaa uu kulamo la qaadan doonaa saraakiisha ciidamada Kumandoska Danab iyo kuwa Maraykanka ee jooga xeradaas.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha kormeerka Raisul Wasaaraha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/39oldNRjzPI

Related posts

Cali Guudlaawe oo kala diray Garsoorka gobolka Shabeelaha Dhaxe (Wareegto)

Cabdi Cade

Xukun Dil ah oo lagu riday nin qirtay in dil bareer ah u geestay Maxamed Cabdi Xaashi

Cabdi Cade

(Akhriso) Puntland oo shuruudo adag ku xirtay ka qeyb galka Shirka Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---