Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaarada amniga DF oo amar cusub ku soo rogtay Garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la joojiyay hubka lala galayo gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay iney arrintan u sababeysay kor u qaadida amniga Garoonka Aadan Cadde iyo tixgelinta cabashooyin isdaba joog ah oo ka yimid maamulka Garoonka oo ku saabsan ammaanka gudaha Garoonka.

“Iyadoo la fulinayo amarka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayay Wasaaradda amniga xukuumadda Federaalka waxay ku wargelisay Hay’adaha ku socoto warqaddani iyo kuwa ogeysiiska ku leh intaba, inaan lala geli karin wax hub ah gudaha Garoonka Aadan Cadde si loo dhowro amniga Garoonka, waxaana kaliya loo ogolaaday iney hubka la gelin karaan ilaalada madaxweynaha JFS, Ra’iisal wasaaraha JFS, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaarada oo sidan u qornaa:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/39oldNRjzPI

Related posts

Muuse Biixi oo Safiirka USA u faahfaahiyey heshiiskii Badda (Sawirro)

Caydiid Ali

Yaa ku fadhiya 16-ka Kursi ee doorashadooda laga wareejiyay Garbahaarey (Magacyada)

Cabdi Cade

Wasiir Carbeed oo booqasho lama filaan ah ku tagay Ukraine ballanqaadna sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---