Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Milatariga Itoobiya oo shaaciyay Magacyada Saraakiil sar sare oo Tigrey ah oo la laayay

Wasaarada Difaaca dowlada Itoobiya ayaa faah faahin ka bixisay saraakiil badan oo katirsanaa maamulka TPLF ee lagu dilay dagaal ay kala hor yimaadeen ciidamada Federaalka Itoobiya.

War ay soo saartay Wasaarada Difaaca Itoobiya ayaa lagu sheegay saraakiisha kooxda TPLF looga dilay dagaal ka dhacay gobolka Tigrey, waxa ayna Wasaarada sheegtay in ciidamada howlgal ku qabteen madax sare oo katirsanaa kooxda TPLF.

Wasaaradda difaaca Itoobiya warka ay soo saartay ayaa lagu sheegay in saraakiisha la dilay uu ku jiro Korneyl Yemane Gebremichael, sargaalkan ayaana lagu eedeeyay in uu hoggaaminayay xasuuq la sheegay in uu ka dhacay Mai Kara.

Waxaa sidoo kale saraakiisha la laayay ee magacyadooda la shaaciyay ku dhaw yihiin 20-sargaal oo caan ka ahaa gobolka Tigrey xilal kala duwana ka hayay ciidamada maamulkaasi ee dagaalka kula jira kuwa dowlada federaalka.

Madaxa howlgallada ee wasaaradda difaaca Itoobiya, Janaraal Tesfaye Ayelew, ayaa Warbaahinta u soo bandhigay liiska saraakiisha TPLF ee lagu dilay howlgalka, kuwaasoo uu sheegay in markii ay isdhiibi waayeen la laayay.

Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay xubno uu ku jiro Wasiirkii hore ee Gaadiidka ee dowlad goboleedka, Mulu Gebregziabher, waxaana xubnahan lagu xiray xabsi gaar ah oo dowlada gacanta ku heyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee Cali Guudlaawe loogu soo dhoweeyey degaanka Gerijir ee G/Hiiraan? (Sawirro)

Caydiid Ali

Xaruntii Ex Baarlamaan oo laga dhigayo goob loo dalxiis tago (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Booliska & Nabad sugida Gobolka Banaadir oo hal arrin uga digay shacabka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---