Axmed Madoobe oo shaaciyay in hubkii dowlada geesay Gedo gacanta u galay Al Shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo maanta hadal ka jeediyay  Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee ka socda magaalada Garawe ayaa sheegay in qaar kamid ah hubkii dowlada ka dejisay Gedo u gacan galay Al Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa cadeeyay in Al Shabaab uu ka go’day rasaasta qorayga Dabajeexa ama PK,  balse si deg deg ah maalin gudaheed ku heleen rasaastaasi oo kamid aheyd hubkii dowlada dhawaan geesay gobolka Gedo.

”Waxaan helnay xog ku aadan in Al Shabaab ka go’day rasaasta qorayga PK-ka , balse maalin gudahood ayey ku heleen hubkii iyo rasaastoo dowlada geesay Gedo, iyagoona kusoo weeraray Baar Sanguuni iyo saldhigyo kale” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in dowlada kala saartay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa DF , waxa uuna xusay in AMISOM la faray kaliya in ay qaadaan dhaawacyada ciidamada Dowlada halka kuwa Jubbaland lagu daweeyo Kismaayo.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa cadeeyay in marka hore loo baahan yahay in siyaasada laga heshiiyo, waxa uuna xusay in aan amni laga wada shaqeyn karin iyadoona siyaasada laga heshiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -