Booliska & Nabad sugida Gobolka Banaadir oo hal arrin uga digay shacabka Muqdisho

Booliska & Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah maamulada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa shir ka yeeshay amni darrada ka jirta magalada iyo sidii looga hortagi lahaa.

Kulankan oo ka dhacay xarunta degmada Warta-nabada ayaa waxaa looga hadlay mideynta amniga waxaana ka qeybgalay guddoomiyaasha iyo Taliyeyaasha booliiska iyo Nabad sugida ee degmooyinka dhaca bartamaha oo ilaa 5 degmo ah.

Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabseey ayaa ka warbixisay waxyaabihii looga hadlay kulanka wadajirka ah ayaa waxay sheegtay in Shacabka  looga digay in guryaha aysan ka kireyaan dad aysan aqoon taasoo qatar ku ah amniga Muqdisho.

Waxay sheegtay in Dowladu la wareegi doonto gurigii lagu helo in la dejiyey dadka amaanka lidi ku ah.

Kulankaan ay yeesheen gudoomiyaasha degmooyinka dhaca bartamaha taliyaasha booliiska iyo nabad sugida Gobolka Banaadir  ayaa imanaya xili qeybop ka mid ah dalka ay ka socdaan dagaalo ka dhan ah Al-shabaab.

- Advertisement -