Madaxweyne Farmaajo oo TV ka daawaday Ciyaartii Galmudug iyo Banaadir (Sawirro)

Madaxweynaha dowladav federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta xafiiskiisa ku daawaday ciyaartii fiinalaha ee u dhaxeysay Ciyaartoyda Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Ciyaartan oo aheyd fiinalaha tartanka dowlad goboleedyada iyo dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo usuurto galin in uu garoonka ka daawado, waxa uuna taa badalkeeda Tv-ga uga daawanayay gudaha Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaana hambalyo u diray ciyaartoyda xulka Gobolka Banaadir oo galabta koobka ku guuleestay, waxa uu sidoo kale bogaadiyay ciyaartoyda Galmudug oo si nasiib ah koobka looga qaaday.

”Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Dowlad Goboleedyada Dalka, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Xulka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah. Labada Kooxoodba waxa ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa horey looga bartay in ay tagaan garoonka Eng Yariisow ayna koobka gudoonsiiyaan kooxaha ku huuleesta, hasa ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa xaalad amaan uga baaqday in ciyaartan toos u daawado.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -