Nin in ka badan 90-Haween ah Ceejo ku dilay oo dhintay iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Samuel Little, oo ahaa nin ay FBI-du ku sifeeyeen inuu ahaa gacan ku dhiiglihii ugu halista badnaa taariikhda Mareykanka, ayaa dhintay isagoo 80 jir ah.

Little ayaa ku dhintay isbitaal ku yaal California Arbacadii, sida ay sheegtay waaxda asluubta iyo dhaqan celinta Mareykanka.

Wuxuu ku xukunnaa xabsi daa’in ah ka dib dil uu geystay seddex haween ah. Laakiin ka hor inta uusan dhiman wuxuu qirtay inuu dilay 93 haween ah intii u dhaxeysay 1970 iyo 2005.

“Waxa uu bartilmaameedsaday shaqsiyaadka nugul, kuwaas oo badankood ahaa kuwa ka ganacsada galmada ama kuwa daroogada isticmaala”, ayay saraakiishu sheegeen.

Little oo ahaa Feedhyahan hore oo tartami jiray, ayaa dadka uu dilay intooda badan ku dili jiray ceejo, taas oo macnaheedu yahay in aysan had iyo jeer jirin calaamado muuqda, sida mindi ama dhaawacyo rasaas ah, oo ka muuqda qofka uu dilo.

Sidaa darteed dad badab oo uu dilay ayaa si khaldan loo go’aamiyay inay u dhinteen maandooriye xad dhaaf ah ama shil weligoodna lama baarin. Meydadka qaar dib looma helin, ayay wakaaladda sheegtay.

Sannadkii hore, FBI-da ayaa sheegtay in falanqeeyayaasheeda ay rumaysan yihiin in dhammaan dhambiyadii uu qirtay ay ahaayeen “kuwo lagu kalsoonaan karo”.

Waxay sidoo kale shaaciyeen sawirada dhibanayaashii uu sawiray intuu xabsiga ku jiray iyagoo markaasi isku dayaya inay raadiyaan haybta dadka uu dilay.

Little ayaa la qabtay sanadkii 2012 isaga oo lagu soo oogay daroogada Kentucky, waxaana loo wareejiyay California, halkaas oo saraakiishu ku sameeyeen baaritaanka hidda sidaha ee DNA.

Wuxuu horay ugu diiwaan gashanaa falal dambiyeed baaxad leh, oo ay weheliyaan dambiyada laga soo bilaabo dhac hubaysan ilaa kufsi uu ka sameeyay guud ahaan Mareykanka.

Natiijooyinka DNA waxay ku mujiyeen saddex dil oo aan xal loo helin kuwaasi sanadihii 1987 iyo 1989 kana dhacay degmada Los Angeles.

Ma uusan qiranin dambiga lagu oogay markii maxkamad la soo taagay, laakiin aakhirkii waa la xukumay waxaana lagu xukumay saddex xabsi daa’in oo isku xigta, iyada oo aan fursad u helin in la cafiyo.

Source-BBC

Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā  Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -