Allbanaadir.com
NEWS

Xulka Kubada Cagta Gobolka Banaadir oo ku guuleestay Ciyaarihii maamul goboleedyada

Ciyaartoyda Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleestay koobkii kubada cagta ee loo dhigay dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, tartankan ayaana si xamaasad leh uga socday garoonka Eng Yariisow.

Ciyaarta fiinaalaha ee u dhaxeeyay labada kooxood ayaa kusoo dhamaatay bar bar dhac 2-gool iyo 2-gool, waxaana ciyaarta ugu dambeyn rigoorayaal 3-iyo 0 ku adkaaday xulka kubada cagta ee Gobolka Banaadir.

Garoonka kubada cagta ee Eng Yariisow ayaa waxaa buux dhaafiyay kumanaan taageerayaal ah oo kala taageersanaa xulalka Galmudug iyo Gobolka Banaadir, waxaana ciyaartan aheyd mid xiiso iyo xamaasad badan.

Xulka Kubada Cagta ee gobolka Banaadir ayaa 10-sano kadib maanta oo kale mar kale ku guuleesatay koobka loo dhigo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana ciyaartoyda Banaadir kahor ciyaarta loo sameeyay balan qaadyo badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Amiir oo ku baaqay in Muqdisho laga dhigo dowlad Goboleed

Cabdi Cade

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee “Non-Aligned Movement” (Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo hal sabab awgeed xoojineysa amaanka xadka ay la wadaagto Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---