Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shacab ku dhamaaday qarax gobolka J/hoose ku qabsaday gaari ay la socdeen

Gaari tagsi ah oo galabta ka baxay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose kuna sii jeeday degaanka Dhoobley ayaa la soo sheegayaa inuu qarax ku qabsaday meel ku dhow degaanka Taabta.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigan oo ay la socdeen 7 qof oo shacab ah ay la kacday miino wadada ku aasneyd oo uu dulmaray caawa salaadii maqrib ka dib.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhinteen dhamaanba todobadii qof ee la socday gaarigaas oo ay ku jireen darawalka iyo Ilmo yar oo lix bilood jira.

Meydadka dadkan ayaa la sheegay in caawa loo qaaday degaanka Dhoobley ee gobolka Jubada hoose si loogu wareejiyo dad eheladooda ah oo halkaas degan, ka dibna loo aaso.

Ma jirto illaa hadda Al-Shabaab iyo maamulka Jubbaland cid ka hadashay dhacdadan uurkutaalada leh ee qabsatay shacabkan aan waxba galabsan ee mar kaliya ku dhamaaday qaraxa qabsaday gaarigooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoys ay ku jireen Hooyo iyo caruur oo ku dhintay madaafiic lagu garaacay Baardheere

Caydiid Ali

Raisul Wasaare caan ah oo Maxkamad la soo taagay & Musuq loo heysto (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe oo Salaada ciida ka dib Khudbad ka jeediyey Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---