Jabuuti & Somaliland oo dib u furay xadkooda iyo Muuse Biixi oo ka soo gudbay (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi  iyo wefdigii uu hoggaaminayey oo maalmihii ugu danbeeyey  safar shaqo ugu maqnaa dalka Jabuuti ayaa maanta  dib uga soo laabtay halkaas, ka dib safar dhulka ah oo uu kaga soo baxay dalkaasi, waxaana si balaaran loogu soo dhaweeyey Magaalo xuduudeeda Lawyacado.

Biixi iyo waftigiisa waxa soo gelbiyey wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Biyaha, Beeraha Kaluumaysiga iyo Xanaanada Xoolaha Mudane Maxamed  Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) ee dalka Jabuuti iyo  Taliyayaasha Madaxtooyada iyo Booliska, Dhanka Somaliland waxaa Madaxweynaha soo dhaweeyey maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Salel, xubno ka mida golaha wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo dadweyne aad u badan.

Waxaanay labada dhinac si rasmi ah ugu dhawaaqeen in dib loo furay xadka u dhexeeya labada dal oo xidhnaa muddo lix sannadood ah oo aanay labada dhinac isu gudbin, waxaana halkaa ka hadlay wasiirka Biyaha, Beeraha Kaluumaysiga iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane Maxamed  Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali)

“Waxaan arkayaa shicibkii Saylac, Toqoshi iyo  Lawyacado oo halkan isugu yimid  oo farxad iyo rayn-rayn kusoo dhaweynaya, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, annigoo matelaya oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo shicibka, waxaan idin leeyahay sidaad noo soo dhaweyseen Hambalyo ayaan idin leeyahay, Labada shicib waa laba shicib oo walaalo ah oo waligood wada noolaa, waanay wada noolaan doonaan dhulkana waa loo wada furi waa lays dhex mari, dad walaalo ah oo wax isku taraan noqon doonaa”. ayuu yiri Wasirrka

Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Kornel Cabdilaahi Cabdi Faarax oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xadkii furan yahay “Hadal badin maayo oo Madaxweynahaa dhameeyey Baabuurta macal raashinka halkaasi yaala iyo wixii danbeba waa loo ogolyahay inay baxaan waxay doonaan soo qaataan, xadku waa furan yahay gaadiidku waa marayaa”.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu  fursad u helay  inuu soo arko horumarka waddanka Jabuuti gaaray islamarkaana uu booqday gobollo iyo deegaano ka mida Jabuuti “Muddo shan cisho ah baanu joognay Jabuuti dalka oo dhan baa nala soo tusay sida uu u horumaray, socdaal hawlaha qaran ee la hayey ka weyn oo sida ay wax u qabteen iyo dalku intuu baaxad le’egyahay iyo dadka ku nool barri ilaa galbeed iyo walaltinimo ayaanu soo aragnay”.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in hadda wixii ka danbeeya la furay Jidka u dhaxeeya Jabuuti iyo Somaliland “Waddada oo muddo Lix sanno ku dhaw xidhnayd sababo ammaan awgood wixii hore u dhacay waan ogayn, waajibaadka ina saaran waxaa weeye, Jabuuti iyo Somaliland waa isku mid  dad ahaan, dhaqan ahaan, cimilo ahaan waa laba dal oo Ilaahay wada abuuray isku dhafan oo is dhalay oo isu dhaxay oo wada dhashay ayuu yiri Biixi oo caawa isaga iyo wafdigiisu ku hoydeen magaalada Seylac.

.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -