Raisul Wasaare caan ah oo Maxkamad la soo taagay & Musuq loo heysto (Sawirro)

Maxkamadeyn la xiriirta kiis musuqmaasuq ah oo ka dhan ah ra’iisul-wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa furantay maanta oo Axad ah.

Waa ra’iisulwasaarihii ugu horreeyey ee Israeli ah oo wajahaya eedeymo danbiyeedyo ay kamid yihiin khayaano, jebinta kalsoonida iyo aqbalaadda laaluush.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu isbadal xagga sharciga ah u sameeyey xarun warbaahineed, taas bedelkeedana ay warbaahintaasi tebin doonto warar aan xanaf laheyn oo ku saabsan xafiiska ra’iisulwasaaraha.

Maxkamad ayaa bilaabatay hal toddobaad uun kadib markii Netanyahu loo dhaariyay xafiiska ra’iisul wasaarenimo markiisii shanaad oo ah wax aan horay uga dhicin Israel.

Netanyahu ayaa yimid maxkamadda maanta oo Axad ah ka dib markii Maxkamada Degmada Jerusalem ay toddobaadkii hore xukuntay in ay lama huraan tahay in ra’iisulwasaaruhu uu soo xaadiro fadhiga maxkamadda.

Netanyahu, oo ah madaxa xisbiga dhanka midig ee Likud party, ayaa beeniyey dhammaan eedaha lagu soo oogay, isaga oo ugu yeeray dacwadda isaga ka dhanka ah wax ay soo dhoodhoobeen kooxaha dhanka bidixda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -