Isbitaal Casri ah oo bisha Ramadaan Owgeyd Bukaanada u Sameenaya Qaliino iyo Daaweyn lacag la’aan ah

Isbitaalka Daaru Sihha oo kamid ah Isbitaalada ugu casrisan ee kuyaala magaalada Muqdisho ayaa bisha Barakeesan ee Ramadaan Owgeyd waxa uu bulshada Soomaaliyeed u sameenayaa Qaliino iyo daaweyn lacag la’aan ah.

Isbitaalka ayaa inta lagu guda jiro bisha Ramadaan waxa uu bukaanada Soomaaliyeed u sameenayaa Qaliino lacag la’aan ah, waxaa sidoo kale lacag la’aan Isbitaalka ka dhigay la kulanka dhaqaatiirta.

Qaliinada lacag la’aanta ah uu sameenayo Isbitaalka Daaru Sihha waxaa kamid ah ,Qaliinada xanuunada Haweenka ku dhaca sida Burooyinka minka qaliinada  c sectionka iyo Qaliinada guud.

Isbitaalka Daaru Sihha ayaa sidoo kale Sheybaarka iyo baaritaanada kale ee bukaanada lagu sameenayo ku sameeyay qiimo dhimis %20, waxaana Isbitaalka uu diyaar u yahay in uu si weyn u caawiyo bukaanada Soomaaliyeed.

Isbitaalka Casriga ee Daaru Sihha waxaa ka howl gala Dhaqaatiir isugu jirta Soomaali iyo Ajaaniib , waxaana isbitaalka yaala kuna shaqeeya qalab aad casri u ah oo loogu tala galay qaliinada iyo baaritaanada.

Waxii Faah faahin intaas dheer kala xiriir Isbitaalka Daaru Sihha oo kuyaala KM-6 agagaarka Xarunta Jaamacada Banaadir

Tellphone Number:- 0613088606/0613088556.

Ama ciwaankan Darusihha2020@gmail.com.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -