Trump uu xaalku ku xun yahay iyo baaris horseedi karta in xilka laga qaado oo bilowday

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa xiligan wajahaya xaalad siyaasadeed oo adag ,kadib markii Xisbiga Dimuqraaddiga ay diyaariyeen mooshin iyo baaritaano horseedi kara in xilka laga qaado Trump.

Trump ayaa loo soo jeediyay eedo ay kamid tahay in dowlado shesheeye uu weediistay kaalmo iyo taageero ka siiyaan doorashada 2020-ka, waxaa sidoo kale soo baxaya fadeexooyin kale Trump xaalka kusii xumeenaya

Afhayeenka Congress-ka Maraykanka Nancy Pelosi ayaa shaaca ka qaadday in ay si rasmi ah uu u billowday baaritaano sababi kara in xilka laga qaado  Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa  lagu eedeenayaa  inuu madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ka codsaday inuu baaritaan ku sameeyo  ninka loolanka adag ee doorashada kala kulmo karo ee Joe Biden iyo wiilkiisa Hunter Biden.

Pelosi ayaa hadalkan sheegtay kadib markii ay hogaamiyeyaasha xisbiga Dimoqraadiga kula kulantay Aqalka Wakiilada. Tirada dimoqraadiyiinta ah ee doonaya in madaxweynaha xilka laga qaado ayaa isa soo tareysaa.

Afhayeenka aqalka Congress-ka dalka Maraykanka Nancy Pelos ayaa sidoo kale sheegtay in Trump  inuu khiyaameeyey wacadkii dhaarta ahaa ee uu xafiiska u galay, amniga qaranka iyo amniga doorashada Maraykanka.

Xildhibaan Tom Malinowski ayaa warbaahinta u sheegay inay hore u jireen meel ka dhacyo badani laakiin aanay jirin tan mid loo dhigaa, tani waxay la macno tahay ayuu yidhi in uu madaxweynuhu qiranayo in uu wax isdaba mariyey.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si deg deg ah kaga soo  noqdey kulanka meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey ee ka furmay magaalada New Yourk si uu isha ugu hayo howsha ka socota Aqalka Cad iyo xiisada siyaasadeed ee soo korortay.

Madaxweynaha Mareykanka Domald Trump ayaa durba si deg deg ah uga jawaabay eedeemaha loo soo jeediyay , waxa uuna sheegay in xisbiga dimuqraadigu xaalad abuurayo xilli muhiim ah oo kulan weyni ka socda xarunta Qaramada Midoobey.

Baaritaanadan Madaxweynaha Mareykanka ku bilowday ayaana laga cabsi qabaa in ay saameyn badan ku yeeshaan mustaqbalkiisa siyaasadeed, waxaana sii kordhaya xildhibaanada u ololeenaya in Trump xilka laga tuuro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -