Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadeynta ragii ka dambeeyay Weerarkii Hotelka Naasa Hablood 2 oo lasoo gabo gabeeyay

Maxkamada Darajada koobaad ee ciidanka qalabka sida ayaa soo gabo gabeysay dhageysiga dacwadaha loo heesto Xubno katirsan Al Shabaab oo weerar ku qaaday Hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa kusoo eedeesay Farxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxa’d Xaaji Buule,  in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood  28-kii October ee sanadkii hore.

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in ragan katirsanaa Al Shabaab lasoo qabtay iyaga oo ka qeyb qaadanayay weerarkii lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho.

Ragan Maxkamada lasoo taagay kuna eedeesnaa weerarka Hotelka ayaa  qirtay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna Maxkamada ciidamada qalabka sida ka dalbadeen in laga cafiyo dambiga ay galeen.

Maxkamadda Darajada koobaad  ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegtay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dhageysiga eedda  in ay go’aanka Maxkamadda  dib ka soo saari doonaan.

Weerarka lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood 2 ayaa lagu dilay 17-qof oo isugu jiray Siyaasiyiin, Xildhibaano hore, Saraakiil ciidan iyo waliba dad shacab ah oo ka agdhawaa Hotelka la weeraray.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qareen Caan ahaa oo lagu dhax dilay xarun Maxkamadeed iyo Ninkii dilay oo la qabtay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Madaxweyne caan ah oo gabadhiisa ka dhigay Madaxweyne ku-xigeen

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo amar siiyay ciidamada maamulka Jubbaland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---