Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyay Garawe (Sawirro)

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha magaalada Garawe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Aqalka sare iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya .

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Puntland ayaa siyaabo kala duwan garoonka Diyaaradaha Garawe ugu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh.

Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa Garawe u tagay ka qeybgalka  Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka gaar ahaan magaalada Garawe.

Waxaa sidoo kale la filayaa in magaalada Garawe gaaraan qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada Qaarkood kuwaa oo iyana ka qeyb galaya dooda ka dhaceysa Garawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney muddo 25 sanno quudinaysa Dawacooyinka iyo hadal heyn ka dhalatay!

Cabdi Cade

Dowlad xiliga u kordhisay Maraakiib dagaal iyo ciidamo ka jooga xeebaha Somalia

Caydiid Ali

Taliyaha Ciidanka AFRICOM oo booqday xerada Milateriga Bali doogle (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---