Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Khaliif Cabdinuur Maxamed & qori uu watay oo isku dhiibay Booliska Kenya

Warbaahinta dalka kenya ayaa sheegtay in mid ka mid ah dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weeraray xerada Ceelcade ee gobolka gedo 15kii Janaayo sanadkii 2016kii uu isku dhiibay Booliska degmada Mandhera.

Khaliif Cabdinuur Maxamed ayaa xogaha la helayo waxaa ay sheegayaan inuu qirtay in weerarkii Ceel-cade inuu ka qayb qaatay kaasoo khasaarihii ugu xooganaa abid ee naf iyo maal leh uu ka soo gaaray ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan.

Khaliif ayaa markii uu isku dhiibayay ciidamada amniga Kenya watay qori Ak-47 ah iyo qasnado ay ku jireen 92 xabadood waxaana saraakiisha ciidanka ay sheegeen in ay baaritaano xoogan ku samaynayaan.

Ninkan ayaa Al-shabaab ka goostay 30-kii bishii Agoosto ee la soo dhaafay, lamana oga sababta uu uga tagay kooxdan sida ay sheegayaan Warkaahinta Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaali Dil iyo dhaawac loogu geestay weerar lagu qaaday Qabuuro aas ka socday

Cabdi Cade

Madaxweyne Waare oo Mar kale isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada (Akhriso)

Cabdi Cade

Daawo: Sawir shaki badan dhaliyey oo lagu arkay bogga Wasaarada A/dibeda Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---