Faah Faahino kasoo baxaa Masuul katirsanaa dowlada oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho

Waxaa saakay Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho ka dhacay qarax gaari loogu soo xiray masuul katirsanaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Qaraxa waxaa ku dhintay Madaxa qeybta Shaqaalaha iyo Tirakoobka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  Eng. Fu’aad Saleebaan Jaamac, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof kale uu ku jiro wii la dhashay  marxuunka dhintay.

Sida aan Wararka ku heleyno gaariga qarxay oo ahaa nuuca raaxada ayaa xiliga uu qarxayay waxaa saarnaa Marxuunka geeriyooday, Hooyadiis iyo labo wiil kale oo la dhalatay, waxa uuna gaariga u socday garoonka Aadan Cadde oo ay ka duuleysay hooyada marxuunka dhintay dhashay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay geerida masuulkan katirsanaa Wasaarada Awqaafka iyo Arimaha Diinta , waxa uuna tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada uu ka baxay Madaxa qeybta Shaqaalaha ee Waaxda Shaqaalaha iyo Tirakoobka ee Wasaardda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta JFS, Fu’aad Saleebaan Jaamac, oo saaka gacan ka xaqdaran ku dishay Muqdisho”  Ayuu yiri  Wasiir dowlaha Wasaaradda Diinta

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay degmada Boondheere ayaa la sheegay in ay qaraxan usoo xireen dad la tuhmayo uu ku jiro nin ilaalo ka ahaa garaash gaariga laga soo bixiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -