Militariga Itoobiya ayaa dilay dad ka badan 40 qof, xabsina dhigay Saraakiil

Militariga Itoobiya ayaa dilay in ka badan 40 nin oo lala xiriiriyay xasuuq gobolka Benishangul-Gumuz loogu geystay ugu yaraan 100 qof oo ay carruur ku jiraan, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Shan saraakiil oo isugu jira kuwo hore uga tirsanaa dowladda iyo qaar hadda ka tirsan ayaa sidoo kale loo xiray qalalaasaha ammaan ee ka taagan gobolka.

Eedeysanayaasha ayaa weerar ay Arbacadii qaadeen waxaa la sheegay inay gubeen guryaha dadka tuulada oo hurdaya, isla markaana ay toogteen ayna toorrey la dhaceen dadka.

Weerarkan ayaa ku soo aaday maalin kaddib markii Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed uu booqday gobolka.

Ma cadda kuwa weerarka soo qaaday cidda ay yihiin, balse waxay u muuqdeen inay beegsanayeen qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee loo arko “inay degeen” gobolka, sida ay sheegtay hay`adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Itoobiya ayaa sanadihii la soo dhaafay la dalaa dhacaysay qalalaase siyaasadeed, mid isir ku saleysan iyo mid diimeed.

Sanadkii 2018 waxay ahayd dalka ay ku nool yihiin barakacayaasha ugu badan ee Afrika – kuwaas oo lagu qiyaasay 1.8 milyan.

Dagaallada waxaa dabka u hurinayay kooxo dalbanaya dhul badan iyo awood, iyagoo isku dayaya inay meesha ka saaraan dadka ay u arkaan soo galooti.

Xigasho: BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -