Liiska Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo la diyaariyay

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in la diyaariyay liiska inta badan Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug.

Guddiga doorashada iyo maamul u sameynta Galmudug ayaa gacanta ku haya inta badan liiska Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlamaanka cusub, Odayaasha dhaqanka beelaha ayaana gudbiyay Xildhibaanada beelahooda ku matalaya Baarlamaanka cusub.

Sida ana wararka ku henay waxaa jira tiro yar oo Xildhibaano ah aysan wali odayaasha saxiixayaasha ah soo gudbin, waxaana la filayaa in si deg deg ah Odayaasha dhiman ku gudbiyaan Xildhibaanada harsan.

Guddiga Doorashada iyo maamul u sameynta Galmudug ayaa inta badan diyaariyay magacyada Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlamaanka labaad ee Galmudug, waxaana suurto gal ah in saacadaha soo aadan guddiga ku dhawaaqaan liiska Xildhibaanada.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa ka codsaday guddiga iyo odayaasha in ay de dejiyaan soo xulista Xildhibaanada maadaama marar badan ay dib u dhac yimaadeen.

Waxaana la filayaa guddiga Dooarshada in Xildhibaanada ku dhawaaqaan inta Ra’isul Wasaare Kheyre joogo magaalada Dhuusomareeb si loo dar dar galiyo dhismaha maamulka Galmudug oo hada heer gabo gabo ah maraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -