Dowlada federaalka Somalia oo tacsi u dirtay shacabka iyo dowlada Faransiiska (Akhriso)

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo iyo murugo leh u dirtay shacabka iyo dowlada Faransiiska geeridii ku timid 13 askari oo ka tirsan ciidamada faransiiska ee ka howlgala dalka Mali oo ku naf waayey shil dayuuradeed.

“Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay xaqiijineysaa midnimada buuxda ee ay la leedahay Dowladda iyo dadka Faransiiska, waxayna tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, Soomaaliya waxay si adag u garab taagan tahay Faransiiska dagaalka ay kula jirto argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal caawa ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.

Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay manata in 13 askari ay uga dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyiga wadanka Maali oo ay joogaan kumanaan askar Faransiis ah.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen labo dayuuradood oo ay la socdeen askarta faransiiska xili ay ku guda jireen howlgal ka dhan kooxaha jihaad doonka ee ka dagaalama woqooyiga Mali.

Dhimashada ciidamadan ayaa ah khasaarihii ugu xooganaa ee mar qura soo gaarta ciidamada Faransiiska tan markii ay galeen wadanka Maali sanaddii 2013, iyagoo ciidamada dalkaas ka taageeraya kooxo jihaad doon ah oo dagaal kula jira dowlada Mali.

Madaxweyna Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ayaa tacsi u diray ehelada askarta dhimatay sida lagu sheegay War saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA DF OO ENGLISH KU QORAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -