Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Turkiga oo Arimo Muhiim ah kawada hadlay

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo howlo shaqo u jooga dalka Turkiga ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Turkiga Lutfi Elvan.

Labada Wasiir ayaa kulankoodsa uga hadlay arimo muhiim ah ay kamid ahaayeen isbadalka iyo Dib u habeynta maaliyadda Soomaaliya iyo sidii dowlada Turkiga usii wadfi lahaa Taageerada Maaliyadeed uu siiyo Soomaaliya.

”Sharaf ayay ii tahay in aan la kulmay  Mr LĂĽtfi Elvan oo ah Wasiirka Maaliyadda Dowladda Turkey oo si hagar la’aan ah inoo garab istaagtay, waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, sidii hore loogu sii wada lahaa iyo taageerada Maaliyadeed ee Dowladda Turkiga ayuu yiri “ Wasiir Beyle.

Dowlada Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna Xukuumada Ankara bixisaa malaayiin dollar oo lagu kabo miisaaniyadda Dowlada Soomaaliya ku howlgasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -