Duqa Muqdisho oo kormeeray Wado Cabasho laga keenay oo dib u dhis lagu bilaabay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kormeer ku tegey dhismaha ka socda Wadada Warshada Caanaha oo ay hore Cabasho uga soo gudbiyeen shacabka Muqdisho.
 
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in wadadan laami la saari doono iyadoo hadda la dhameyay dhismaha Marsha Biyeediga.
 
Wadadan oo bur bur xoogan soo gaaray ayaa waxaa dhibaato xoogan ku qabay gaadiidka isticmaala, waxa ayna wadadaasi sababai jirtay in halkaasi ka dhaco jaam ama cariiri xoogan oo dhibaato ku ahaa shacabka wadadaasi isticmaala.
 
Dhismaha Wadadan oo uu maalgelinayo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay qeyb ka qaadaneysaa bilicda Magaalada Muqdisho iyadoo soo afjareysa dhibaato ay ku qabeen Gaadiidka halkaasi isticmaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -