Allbanaadir.com
NEWS

Xeer Ilaalinta Qaranka oo soo Gabo gabeesay baarista Gal Dacwadeedka Hay’adda Sahan

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qarankac Soomaaliya ayaa soo gabo-gabeeyey baarista Gal-dacwadeedka Hay’adda SAHAN RESEARCH oo Dowladda Soomaaliya horay uga mamnuucday in ay Dalka ka shaqayso.
 
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in ay Dacwadda hay’addan dhawaan ay u gudbin-doonaan Maxkamadda Gobolka Banaadir si ay uga qaado tallaabada ku habboon ee sharciga ah.
 
Hay’adda SAHAN oo Dowladda Soomaaliya ay horay ugu Eedaysay fal danbiyeedyo liddi ku ah Qaranimada Soomaaliya, faragalinta siyaasadda dowladda, curyaaminta haykalka Dowladdnimo, faafinta siraha amniga Qaranka iyo Qodobo.
 
Hay’addan horey dowlada Soomaaliya dalka uga mamnuucday in ay ka shaqeyso ayaa waxaa  iska leh ninka lagu magacaabo Matt Bryden oo mar madax ka so noqday kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea.

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii ciidanka ilaalinta hubka Nukliyeerka Ruushka iyo kuxigeenkiisa oo la dilay

Cabdi Cade

Kaalintee ayey Soomaaliya kaga jirtaa dalalka aan u diyaarsaneyn la tacaalida COVID-19?

Caydiid Ali

Xamse Barre oo goordhaw magacaabay saddex xil oo cusub (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---