Ciidamada Dowlada oo weeraray guri uu Muqdisho ka degan yahay Sargaal Ciidan

Ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa xalay weerar qorsheesan ku qaaday guri uu degmada Kaaraan ka degan yahay sargaal katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 12-ka April.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan oo qorshahoodu ahaa in ayu soo qabtaan sargaalka ayaa xalay gurigiisa gudaha u galay xili uu sargaalka halkaasi ka maqnaa, waxa ayna ciidamada gurigaasi kasoo xireen sadex askari iyo labo qof kale oo guriga ku sugnaa.

Sargaalka la weeraray oo lagu magacaabo Korneel Maxameed Maxamed Masdile ayaa sheegay in xalay gurigiisa lagu soo qaaday weerar gardaro ah, waxa uuna tilmaamay in gurigiisa ciidamo u dhaceen isaga oon ogeyn waxa loo heesto iyo dambiga uu galay.

Waxa uu sheegay sargaalkan in aysan jirin cid u yeertay ama dacwo usoo oogtay, waxa uuna weerarka lagu soo qaaday ku tilmaamay in uu qeyb ka yahay weeraro lagu beegsanayop saraakiisha iyo madaxda kasoo jeeda beelo gaar ah.

Korneel Masdile ayaa beeniyay in uu ku lug lahaa dagaalkii dhawaan degmada Kaaraan ku dhax maray saraakiil katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in isagu kamid ahaa saraakiil ku baxday sidii dagaalkaasi loo joojin lahaa.

Dowlada Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in lasoo xiro afar sargaal oo katirsan ciidanka dowlada oo dhawaan dagaal dhiig badan ku taaday ku dhax maeray degmada Kaaraan, saraakiishan ayaana hada baxsad ku jira iyaga iyo ciidamo badan ay wataan.

- Advertisement -