Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii ciidanka ilaalinta hubka Nukliyeerka Ruushka iyo kuxigeenkiisa oo la dilay

Lt Gen Igor Kirillov, oo ah sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Ruushka, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda waddanka Ruushka.

Igor waxaa uu ahaa hogaamiyaha ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka ee Ruushka ee loo soo gaabiyo NBC.Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in qaraxaas lagu dilay ku xiigeenkiisa.

Igor Kirillow ayaa dhintay kadib markii uu qarxay bam lagu soo xiray mooto xili uu Talaadadii manta uu ka baxayay gurigiisa.

Isniintii, Ukraine ayaa Kirillov ku soo oogtay dacwad ka dhan ah isticmaalka hubka kiimikada ah ee hore looga mamnuucay Ukraine. Waxay ku eedeysay inuu geystay dembi dagaal.

Ingiriiska iyo waddamo kale ayaa ayaa hore Kirrilov ugu soo rogay cunaqabateynsababo la xiriira doorkii uu ku lahaa adeegsiga hubka kiimikada ee Ruushka.

Waxaa xogo laga helay qalabkii qarxay ee uu ku dhintay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka Ruushka.

Qalabka loo adeesaday dilka janaraal Kirrilov, waa qalab rumuud-ka lagu hago, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee Tass.

Waxay sidoo kale sheegtay, in bamkaas laga yaabo inuu ku jiray 300 oo garaam oo ah walxaha qarxa, iyadoo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan booliska dalka.

Related posts

Midowga Yurub oo War kulul ka soo saaray falkii lagu gubay Kitaabka Quraanka

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Waa nasiib daro in shacabka Muqdisho aysan si xor ah jidadka u mari karin”

Caydiid Ali

Daawo Faah Faahin :- Maxaa kasoo baxay kulankii Wakiilada Beesha Caalamka & Madaxweynaha Puntland?

admin
Taboola Ads ---