Kaalintee ayey Soomaaliya kaga jirtaa dalalka aan u diyaarsaneyn la tacaalida COVID-19?

Somalia ayaa noqotay dalka ugu liita ee kaalinta ugu hooseysa ka galay la tacaalida cudurka Coronavirus, sida lagu sheegay qiimeyn cabiraysa awooda dalalku u leeyihiinla dagaalanka cudurada faafa.

Tusaha u nuglaanta cudurada faafa (IDVI) oo tilmaan u ah awooda uu waddanku ula tacaali karo cudurrada faafa, Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta ugu hooseysa oo ah (0).

25-ka dal ee ugu nugul cudurkan ayaa 22 ka mid ah waxay ka mid yihiin dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Dalalka carabta iyo Bariga Dhexe waxaa qiimeyntu sheegtay in diyaar garowga cudurka uu ugu horeeyo dalka  UAE (0.76), Saudi Arabia (0.73), Kuwait (0.66), Masar (0.53), Lubnaan (0.54), iyo Ciraaq (0.43), iyadoo dalalka kale carabta ay dhibco ahaan ka sii hooseeyaan.

Kooxda soo saartay qiimeyntan oo yiraahdo IDVI waxay ku saleysay cabirkan todoba arimood oo tilmaamaya u nuglaanta cudurka, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, tirakoobka, daryeelka caafimaadka, ilaalinta fayo dhowrka dadweynaha, dhaqdhaqaaqa cudurka, siyaasada gudaha iyo siyaasada-caalamiga

Qiimeyntan ayaa ku soo beegantaya xili Soomaaliya laga helay kiiskii ugu horeeyay ee cudurka Coranavirus oo faro kulul ku haya caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -