Allbanaadir.com
NEWS

Dad lala xiriiriyay qaraxii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo gacanta lagu dhigay 

Ciidamada Nabad sugida maamulka Galmudug oo kaashanaya ciidamada booliiska ayaa howlgalo balaaran ka wada Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo jimcihii ka dhacay qarax lagu laayay saraakiil badan iyo shacab.

Howlgalo ay ciidamada ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo ayey kusoo qab qabteen dhoor qof oo lagu tuhmayo in ay wax ka maleegeen qaraxii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Nabad sugida ayaana baaritaano kuwada dadka lasoo xiray oo lagu tihmayo in ay xiriir la lahaayeen qaraxii ka dhacay garoonka Cabdullaahi Ciise , dadka lasoo qabtay qaarkood ayaana la sheegay in lasii daayay.

Qaraxii ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa masuuliyadiisa sheegtay kooxda Al Shabaab, waxaana qaraxaasi lagu dilay saraakiil sar sare oo katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo ogolaatay inta badan shuruudihii Xamaas ku xirtay xabad joojinta Gaza

Caydiid Ali

Weerar xooggan oo lagu qaaday saldhig ay shir ku lahaayeen Al Shabaab

Cabdi Cade

Sheekh Mukhtaar Roobow oo laga dhigayo Wasiir iyo Kulan Villa Soomaaliya ka socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---