Kenya oo talaabo yaab leh ka qaaday Xildhibaanad isku sawirtay calanka Somalia

Dowlada Kenya ayaa ilaaladii kala laabatay Canab Guure oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalkaas oo laga soo doorto Garissa kadib markii ay isku sawirtay madaxweyne Farmaajo iyo calanka Soomaaliya, kuwaasoo lagu baahiyey baraha bulshada.

Xildhibaanad Canab ayaa sheegtay in sidoo kale saraakiil boolis ah ay gaaf wareegayaan hareeraha gurigeeda, ayna nafteeda u baqaneyso.

Cabsi gelinta ay ku hayaan ciidamada amniga ayey sheegtay ineysan u jixin jixi doonin, ayna amnigeeda Alle u talo saaratay.

“Galabta waxaa dib loogu yeeray ilaaladeydii sabab aan la’aan” ayey tiri Canab oo qoraal soo dhigtay barteeda facebook.

“Cidna ima cabsi gelin karto, imana qasbi karto. Waa la I heli karaa, waxaana la ii yeeri karaa waqti kasta oo toddobaadka ka mid ah, balse ma ogoli cabsi gelin iyo gacan maroojis. Kuma sugnin dal booliska awood leeyahay, Kenya waa dal madax-banaan.” ayey sidoo kale qoraalkeeda ku tiri.

Mar ay soo hadal qaaday sawirka muranka abuuray, ayey Canab sheegtay inuu ahaa mid la qaaday sanadii 2018, bishii Ramadan ay ku sugneyd safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, xilligaasoo ay sheegtay inuusan jirin khilaafka labada dal u dhexeeya.

Somalia ayaa dhowaan xiriirka u jartay dowlada Kenya oo ay ku eedeysay iney fara gelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -