Sidee Farmaajo iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Jabuuti? (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caawa dalka Jabuuti

Waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Jabuuti Ra’iisul Wasaaraha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda dalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona Shirka 38-aad ee aan Caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo xaaladda Gobolka.

Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa Madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ilaalinta Madaxbannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan doceedyo la qaadan doona Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah IGAD, si loo xoojiyo doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -