Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Siyaasiyiinta Mucaaradka oo laga saaray Garowe ka dib markii..

Isimada Dhaqanka SSC Khaatumo oo Magaalada Garoowe ka waday dadaalo ay ku dhex-dhexaadinayaan Madaxweynaha Puntland iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku guuleystay iney xaalada cagaha u dhigaan

Maamulka Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa isku khilaafsan arrimaha doorashooyinka

Isimada Dhaqanka ayaa ku guuleystay inay mucaaradka ku qanciyaan gudaha caasimadda Garoowe in laga saaro ciidankooda, iyagoo sidoo kalena kuwa maamulka Madaxweyne Deni lagu adkeeyey inaysan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah oo xiisad abuuri kara.

Qaar kamid ah Isimada Dhaqanka SSC ayaa sheegay inay ku rejo weyn yihiin in ay wada-hadal isugu keenaan labada dhinac, si xal loogu helo ismarin-waaga doorashada madaxtinimo ee ka taagan Magaalada Garoowe oo qarka u saaran inuu isku bedelo dagaal iyo gacan ka hadal.

Isimada Dhaqanka ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ka ogolaaday in uu wada-hadal la galo Siyaasiyiinta mucaaradka.

Dadaalada kala duwan oo ay wadaan Isimada Dhaqanka SSC ayaa weli socda si xal waara looga gaaro muranka doorashada ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaadka yahay iyo Siyaasiyiinta mucaaradka, kaasoo sababay in cabsi aawgeed ay magaalada Garowe ka barakacaan.

 

Related posts

Ciidanka Israel oo Khasaare xooggan loogu geystay Xerada Jabalia

Caydiid Ali

Guddiga doorashada oo shaaciyay tirada Xildhibaanada maanta la siiyey shahaadada

Caydiid Ali

Xildhibaan Afrikan ah raalli gelin buuxda u diray Harry Maguire uu horey u weeraray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---