Madaxweyne sawir la galay haweeney ka codsatay oo la ganaaxay (Sawirro)

Madaxweynaha dalka Chile, Sebastián Piñera, ayaa lagu ganaaxay 3,500 oo dollar kaddib markii uu jebiyay amarka ka hortagga cudurka Covid-19.

Sebastián Piñera ayaa lagu eedeyey inuu sawir la galay qof dumar ah isaga oo afka ku xiran Mask ama Afxir.

Madaxweyne Piñera ayaa arrintaasi raalligelin ka bixiyay kaddib markii horraantii bishan intarnetka lagu baahiyay Madaxweynaha oo la sawiran haweeney aan iyaduna xirnayn Mask.

Waxa uu qiray in ay habboonayd in uu af-saabto markii uu haweeneydaasi sawirka la galayay, taasoo iyada ka codsatay in ay isla sawirto madaxweynaha oo ku sugnaa xeeb u dhow magaalada uu ku dhashay ee Cachagua.

Dalka Chile waxaa laga dhaqangeliyay shuruuc adag oo ah in dadka ay xirtaan marka ay joogaan goobaha ay bulshadu ku badan tahay, iyadoo ciddii jebisana ay muteysan karto ganaax lacageed ama xabsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -