Wararkii ugu dambeeyey dagaalo & qaraxyo ka dhacay Magaalada Khartuum

Goob-jooge ku sugan Bariga Khartoum ayaa soo sheegay iska horimaadyo hubeysan iyo duqeymo xagga cirka ah oo ka dhacay xaafado la deggan yahay Sabtidii maanta.

Goob joogayaal kale ayaa sheegay in gelinkii dambe ee maanta ay maqleen jugta qarax weyn, ayna arkeen qiiq aad u badan oo ka soo baxayay aagga warshadaha ee Baxri.

Sidoo kale waxaa la sheegay in gaariga safiirka Turkiga ay rasaas ku fureen kooxo aan la garaneyn, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah. Ergeyga ayaa si nabad ah ugu sugnaa gudaha safaaradda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegay in Turkiga uu safaaradiisa ka rari doono magaalada Khartoum uuna u wareejin doono Port Sudan kadib weerarka.

Labada dhinac RSF iyo ciidamada ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarka.

Magaalada Baxri ee wabiga Niil ka xigta magaalada Khartoum, ayaa xalay saqdii dhexe waxaa laga maqlay diyaarado dagaal iyo qaraxyo baqdin geliyay dadka deegaanka. “Kama baxno guriga sababtoo ah waxaan ka baqeynaa rasaasta habowsan” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo magaciisa kusoo koobay Axmed.

Iskahorimaadku wuxuu qarxay 15-kii Abriil, ka dib markii uu burburay qorshe caalamku taageerayey oo loogu gudbayay dimuqraadiyad.

Burhaan, oo ah sarkaal ciidan, ayaa madax ka ah gole xukun oo la dhisay ka dib markii xukunka looga tuuray Cumar Al-Bashiir oo muddo dheer talada hayay afgambi militari 2021, halka Hemedti, oo ahaa hoggaamiyihii hore ee malleeshiyada oo magaciisa ku soo qaatay dagaalka Daarfuur, uu yahay ku xigeenkiisa. .

 

- Advertisement -