Safaaradda Somalia ku leedahay Kenya oo fariimo u dirtay Soomaalida ku nool dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Kenya ayaa shaacisay in la hakiyey dhamaan adeegyadii ay safaaradda bixin jirtay.

War ka soo baxay safaarada ayaa lagu wargeliyey dadka adeegyada ka dalbaday iney yimaadaan safaarada si ay u qaaraan dokuments-kooda.

Xarunta safaarada Soomaalida ee Nairobi oo dhowaan xariga laga jaray ka dib markii dib u dhis lagu sameeyey ayaa hadda la filayaa in albaabada loo laabo.

Goa’aanka safaaradda ayaa imaanaya maalin kaddib markii dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ay gabi ahaanba u jartay xiriirkii dublamaasiyadeed ee ay la laheyd dalka Kenya.

War ka soo baxay xukuumadda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray dublamaasiyiinta Kenya ka jooga Soomaaliya in ay dalka uga baxaan muddo 7 maalmood gudahood ah halka kuwa Soomaaliya lagu amray in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -