Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Madaxweyne Biixi oo caawa Narobi kula kulmay Siyaasiga Raila Odinga (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa hotelka uu ka degan yahay magaalada Nairobi kula kulmay Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya, ahna Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha, Mudane Raila Odinga.

Booqashadan oo aheyd mid salaan ah ayaa Muuse Biixi waxaa uu Raila Odinga faahfaahin ka siiyey xaalada guud ee Somaliland.

Waxaa kulankan goob joog ka ahaa Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wafdiga uu horkacayo Madaxweyne Biixi ee booqashada ku jooga Kenya.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Nairobi, ayaa maanta Madaxtooyada dalkaasi kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Isra’il oo Gantaalo culus ku garaacay marinka Gaza (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowladda Shiinaha oo 103 diyaaradood u diray hawada dowlad xiisad kala dhaxeyso

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo goordhaw Shir Xasaasi ah ku yeelanaya Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---