Midowga Musharaxiinta oo goordhaw Shir Xasaasi ah ku yeelanaya Muqdisho

Waxaa goordhaw la filayaa in magaalada Muqdisho shir xasaasi ah ku yeeshaan Midowga Musharaxiinta u taagan xilka Soomaaliya, shirkan ayaana ka duwanaan doonaa shirweynihii dhawaan ku yeesheen Hotelka Jaziira.

Sida aan xogta ku helnay Musharaxiinta Madaxweyne ayaa shirkooda uga hadli doona dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee siyaasada Soomaaliya gaar ahaan hanjabaadyo dhawaan uga yimid masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya.

Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale iska wareesan doona talaabooyinka lama huraanka ah ee qaadi karaan hadii dowlada Soomaaliya dhagaha ka fureesato baaqii ay dhawaan u direen.

Shirkan goordhaw yeelanayaan midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa noqonaya shirkii ugu horeeyay ay isugu yimaadaan tan iyo markii uu khamiistii usoo dhamaaday shir u socday mudo lix cisho ah kana soo saareen War Murtiyeed.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaana si weyn uga carooday hanjabaadii dilka ahaa uu dhawaan u jeediyay Musharaxiinta shirtay gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish .

Waxii warar ah ee kusoo kordha shirkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -