Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Shiinaha oo 103 diyaaradood u diray hawada dowlad xiisad kala dhaxeyso

Shiinaha ayaa u diray hawada Taiwan illaa 103 ka mida diyaaradohooda dagaalka, intii u dhexeysay subaxnimadii Axadda illaa subaxnimadii Isniinta, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Taiwan.

Wasaaradda ayaa Isniintii u soo jeedisay Shiinaha inuu joojiyo “tallaabooyinka halka dhinac ka socda ee keeni kara burburka”.

“Caga-juglaynta milateri ee joogtada ah ee ay wadaan ciidamada Shuuciga ahi, waxay si sahlan u horseedi karaan inay gobolkaas ka dhacdo xiisad cusub oo uga sii dari karta amniga gobolkaas” ayay sheegtay wasaaradd difaaca ee Taiwan.

Taiwan ayaa intaas ku dartay in ugu yaraan 40 ka mida diyaaradaha dagaalka ee Shiinuhu inay ka gudbeen khadka dhexe ee marin-biyoodka Taiwan, kaasoo ah diilin aan rasmi ahayn oo u dhexeysa labada dhinac.

Shiinaha ayaa si joogto ah u sheegta, in maamulkan dimoqraadiga ah ee Taiwan inay qayb ka yimiin dhulweynaha Shiinaha, hase ahaatee arrintaas waxaa ku gacan saydha Taiwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Indhacadde oo ka digay qaraxyo lala damacsan yahay siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey dhismaha golaha cusub ee Wasiirada & RW Xamsa oo..

Caydiid Ali

Madaxeyne Farmaajo oo War kasoo saaray Qaraxii dadka badan lagu laayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---