Amar kasoo baxay Al Shabaab oo lagu xiray Garoon caan ka ahaa Muqdisho 

Al Shabaab ayaa xirtay qaar badan oo kamid ah Garoomada salaxyada ah ee kubadda cagta lagu ciyaaro, waxa ayna arintaasi saameyn ku yeelatay dhalinyaradii lahaa salaxyadaasi iyo kuwii ku ciyaari jiray.

Amar kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu xiray salaxa Shiirkole ee Degmada Hodan, salaxan oo ah mid caan ka ah magaalada Muqdisho ayaa xiligan waxaa ka socday koobka Ramadaanka ay ka qeyb galayaan kooxo badan .

Salaxan ayaa ah mid dhalinyaro badan ay ku xirnaayeen aadna loo xiiseeyo tartamada lagu qabto xiliga Ramadaanka, waxaana koobka hada ka socday ka qeyb galayay ciyaartoyda heerka koobaad ee Soomaaliya oo kooxo kala duwan u ciyaarayay.

Maamulka Salaxa Shiirke ayaa laga soo xigtay in salaxooda lagu xiray amar kasoo baxay Al Shabaab, waxaana gabi ahaan joogsaday koobkii ka socday salaxaasi oo ahaa mid xiiso badan lahaa boqolaal dad ahna ay daawan jireen.

Al Shabaab ayaa horey u xirtay inta badan salaxyada kubada cagta lagu ciyaaro ee kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana salaxyadan la xiray inta badan ku ciyaari jiray dhalinyarada  da’da yar iyo kuwa cuslaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -