Daawo Sawirada: Si dhib badan oo gar gaar lagu gaarsiinayo Qoysas uu saameeyay Fatahaada

Fatahaada ay sameeyeen Wabiyada Jubba iyo  Shabelle ayaa saameyn xoogan ku reebay kumanaan dad ah oo kunool magaalooyinka iyo deegaanada ay ku fataheen labadan Wabi.

Dadka ay saameeyeen Fatahaada Wabiyada Shabelle iyo Jubba ee kunool goobaha ay gacanta ku heyso dowlada Soomaaliya ayaa la gaarsiiyay gar gaar kala duwan, waxaana jira dad kale oo saameyn ku yeeshay Fatahaada oon wali helin gar gaar.

Fataahada uu sameeyay Wabiga Jubba ayaa saameyn xoogan ku reebay dad masaakiin ah oo kunool gobolada Jubooyinka gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Al Shabaab, waxaana dadkaasi go’doon ku yihiin deegaano fog fog.

Maamulka Al Shabaab ee gobolada Jubbooyinka ayaa bilaabay in ay gar gaar gaarsiiyaan dad uu saameeyay fatahaada wabiga , kuwaa oo ku go’doonsan deegaano ay adag tahay in si sahlan gurmad lagu gaarsiiyo.

Biyo badan ayaa buuxa deegaanada ay fatahaadan saameysay, waxaana adag in dadka kunool in gar gaarka gaadiid lagu gaarsiiyo, waxaana deegaanadaasi kaliya tagi kara doonyo yar yar oon raashin badan qaadi karin.

Al Shabaab ayaa gar gaarka dadka masaakiinta ah gaarsiinayaan bilaabay in ay ku qaadaan alwaxayo la isku xiray oo alaabta la saaro kuwaa biyaha dhaxdooda lagula lugeenayo si dadka go’doonsan lagu gaarsiiyo.

Dad kunool deegaanada Fatahaada saameysay ee Jubooyinka ayaa loo qeybiyay raashin kala duwan iyo maryaha kaneecada, waxaana wali dadkaasi qabaan baahiyo kala duwan iyaga oo guryahooda isaga soo qaxaya kadib markii fatahaada saameysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -