Allbanaadir.com
NEWS

Wasiiro katirsan maamulka Koonfur Galbeed oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Wasiiro katirsan maamulkaasi ,isagoo sidoo kaleĀ  magacaabay Wasiiro cusub.

Wareegtada kasoo baxday Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xilka looga qaaday Wasiirada Gaadiidka iyo dekadaha iyo sidoo kale Wasiirka Dastuurka, halka Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha booskiisa laga bedelay.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa loo magacaabay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha halka Cumar Axmed Aadan loo magacaabay Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed.

Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Maxamed Cali (Cali Dhuux) ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wasiirka cusub ee Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wareegtada kasoo baxday Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ujeedka isbadalkan lagu sameeyay Wasiirada ku yimid sidii loo dar dargalin lahaa howlaha shaqo ee maamulka.

Related posts

Qorshe lagu xoojinayo amniga xarumaha degmooyinka oo ka bilowday Muqdisho

Caydiid Ali

Aadan Madoobe: “Ajende culus ayaa hor yaalla kalfadhiga 5aad”

Caydiid Ali

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo u jawaabay Sheekh Shariif !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---