Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Wafdi uu hoggaaminayay Tammaam Aloudat

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qaabilay wafdi uu hogaaminayey madaxa ugu sareeya Hay’adda MSF Tammaam Aloudat

Madaxweyne Laftagareen iyo madaxa hay’adda MSF ayaa kulankooda la isaga Xog-waraystay Mashaariicda socda ee hay’adda ay kawado Guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed dhinacyada hormarinta adeegyada caafimaada.

Waxa ay sidoo kale labada dhinac kulankooda uga wada hadleen kaalmaynta dadka barakacayaasha ah iyo sidii loo xoojin lahaa mashaariicda horumarineed ee hay’addo ka fuliso deegaannada Koonfur Galbeed.

Dadka ku dhaqan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa la daalaadhacaya dhibaatooyin badan oo dhinaca nolosha ah, waxa ay sidoo kale dadka Koonfur Galbeed wali kasoo kaban dhibaatadii ka dhalatay roobabkii sannadkii hore da’ay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xaruntii isgaarsiinta Ciidanka Booliska ee Oto Oto oo dib loo furayo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in xilka laga qaaday Gudoomiyihii Guddiga Doorashada heer Federaal?

Caydiid Ali

Iskuulada kuyaala Muqdisho oo lagu amray Dhigista Maadooyin cusub (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---