Allbanaadir.com
NEWS

Faah Faahino kasoo baxaya Dil iyo dhaawac ka dhacay magaalada Muqdisho

Askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya oo ku sugnaa bar koontarool oo taala agagaarka Daarta Saybiyaayo ee magaalada Muqdisho ayaa galabta dil iyo dhaawac u geestay Nin Oday ah iyo darawal mooto bajaaj.

Sida aan wararka ku helnay dilkan ayaa yimid kadib markii shil uu ka dhacay agagaarka koontaroolka, waxaana goobtaasi uu muran ku dhax maray askari katirsan ciidanka booliiska iyo darawal mooto bajaaj, iyadoona muranka kadib askariga rasaas furay.

Rasaasta uu riday askariga ayaana ku dhacday darawalka mooto bajaajta waxaana xabada usii gudubtay nin Oday ah oo mootada saarnaa kaa oo isla goobta ku geeriyooday halka darawalka oo dhaawac ahna goobta laga qaaday.

Ninka Odayga ah ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Muxumad Cismaan Cagey, waxa ayna ehelada Marxuumka sheegeen in uu goobta ka baxsaday askariga dilka geestay iyada oo la qaban karo askarigaasi dilka naxariis darada ah geestay.

Ciidamada booliiska ayaana bilaabay baadi goob ay ku raadinayaan askariga dilka geestay, lamana oga ilaa hada in ciidamada gacanta kusoo dhigay askariga baxsadka ah ee dilka iyo dhaawaca galabta u geestay dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo Xannibaya Musharraxnimada Ngozi Okonjo ee Ururka WTO iyo Sababta keentay

admin

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Xabsiga Dhaxe ee Xamar

Cabdi Cade

Sheekh Rusheeye oo laga joojiyay Howlo uu u tagay magaalada Gaalkacyo (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---