Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka milatariga Soomaaliya oo la kulmay Taliyaha howlgalka EUTM (Sawirro)

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa xafiiskiisa oo kuyaala xarunta Wasaarada Gaashaandhiga kula kulmay taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM)

Kulanka dhax maray Janaraal Odawaa iyo taliyaha Howlgalka (EUTM) ayaa looga  hadlay xoojinta kor u qaadista tababarka ciidanka xoogga , waxa ay sidoo kale kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada ciidan.

Taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa saraakiisha EUTM ugu mahad celiyay taageerada ay siiyaan taliska ciidanka xoogga, isagoo ka codsaday in ay sii labo laabaan shaqada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Midowga Yurub ayaa taageero siiya ciidanka milatariga Soomaaliya, waxa ayna ciidamada ka taageeraan tababarada iyo sidoo kale dhinaca dhaqaalaha, waxa ayna inta badan gacan ka geestaan Midowga Yurub dib u dhiska ciidanka xoogga oo sanado badan bur bursanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Badbaadada Hirshabelle oo dhaliilay Hogaanka Hirshabelle (War-Saxaafadeed)

admin

Xassan Shiikh oo Cadale kula afuray Madax & Saraakiil (Sawirro)

Caydiid Ali

Bal Soomaaliyeey nala arka cadaalad daradan loo turbaan tumayo !!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---