Goodax Barre: “Shacabka reer Hiiraan waxay go’aansadeen iney ka tashadaan Hirshabelle”

Wasiirkii hore ee Waxbarashada DF Soomaaliya kana mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya madaxda dowladda federaalka ku eedeeyey inay masuul ka yihiin xiisada ka aloosan gobolka Hiiraan.

Waxaa uu dowladda ku eedeeyey inay boobtay doorashadii Hirshabelle ee ka dhacday magaalada Jowhar, si buu yiri loo soo xulo Xildhibaano mar kale soo doorta Madaxweyne Farmaajo.

Shacabka reer Hiiraan marnaba kuma qanci doonaan sida ay u dhacday doorashada Hirshabelle, waxayna go’aansadeen inay ka tashadaan ka sii mid ahaanshaha Hirshabelle” ayuu intaas ku daray C/llaahi Goodax Barre oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somalia.

Doorashadii uu ku soo baxay madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe, waxaana beesha reer Hiiraan ay ku doodayaan iney iyagu lahaayeen jagada Madaxweynaha marka la eego hanaankii awood qeybsi ee lagu dhisay Hirshabelle, taasoo ay sheegeen in haatan la khilaafay.

Cali Guudlawe oo isku dayey dhowr mar inuu gaaro magaalada Beledweyne waxaa ka hor istagay maleeshiyaad hubeysan oo diidan oo uu hoggaamiyo Jeneraal horay uga tirsanaa milateriga Soomaaliya oo lagu magacaabo Abuukar Xuud.

Guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle Cabdixakiin Luqmaan iyo Yuusuf Dabageed oo gaaray Beledweyne ayaa horay ugu guul dareystay inay xaliyaan tabashada shacabka Hiiraan. Sidoo kale waxay ku guul dareysteen inuu magaaladaas tago madaxweyne Cali Guudlaawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -