Wasiir u tartamaya doorashada kursi ka banaan golaha shacabka oo lagu qabanayo Puntland

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey in la qabanayo doorasho lagu buuxinayo kursi ka banaan Golaha shacabka oo deegaan doorashadiisa tahay Puntland.

Xildhibaan Daahir Cali Faarax (Dhahar) ayaa 6-dii bishan September iska casilay kursigan sababo aan la sheegin awgood, iyadoo Guddigu faray oday dhaqameedkii ku jiray liiska 135-ta Oday ee Kursigan banaan matala inuu muddo 7 cisho gudahood ku soo gudbiyo magacyada 51 Ergo ee dooran doonta xildhibaankii Kursigan buuxin lahaa.

Musharaxiinta u tartameysa Kursigan ayaa sidoo kale lagu wargeliyey inay isa soo diiwaan geliyay laga bilaabo 22-ka bishan kuna egtahay 29 bishan September sida ay sheegtay guddoomiyahaĀ Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka QarankaĀ  Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey).

Waxaa si weyn isu soo taraya warar sheegaya in Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan uu kursigan u tartamayo, maadaama ay isku beel yihiin Xildhibaanka baneeyay.

Daahir Cali Faarax (Dhahar) ayaa noqonaya Ā Xildhibaankii labaad ee iska casila Baarlamanka federaalka, dhowaan ayeyna aheyd markii C/qaadir Gaafow uu kursigiisa baneeyay waxaa buuxiyey walaalkiis C/llaahi Gaafow oo Magaalada Dhuusamareeb lagu doortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -