Ciidamo dheeri ah oo loo soo dirayo howlgalka AMISOM ee Somalia

Taliyaha Ciidanka Lugta Uganda Major General Leopold Kyanda oo ciidamo loo soo dirayo Soomaaliya kula hadlayay xaflad sagootin ah oo loo sameynayay ayaa waxa uu u sheegay in ay Soomaaliya u tagi doonaan hawlgal xasilin ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu u sheegay ciidmadan in xasilinta Soomaaliya iyo amnigeeda oo la sugo ay muhiimad weyn u tahay dalalka jaarka la ah sida dalalka Itoobiya Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Maj. Gen Kyanda ayaa Saraakiisha iyo Askartaanba kula dardaarmay inay ilaaliyaan Anshaxa ciidamada ee Nabad Ilaalinta Ujooga Somalia iyo hab dhaqanka Shacabka.

Taliyaha ayaa askartaan cusub u sheegay in xasilinta Soomaaliya aysan ahayn wax sahlan oo ay hortaaganyihiin Dhaqdhaqaaqa Alshabaab sidaa darteed xasilooni lagu soo dabaalo Soomaaliya kaliya ay dani ugu jirin Uganda ee Wadamada Africana muhiim ay u tahay.

Ciidamadan oo gaaraya 1714 Askari ayaa ah ciidamo dheeraad ah kuwaas oo la doonayo loo soo diro Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan hawlgallada ka dhan ah Al-Shabaab ee ay hoggaanka u hayaan Ciidamada AMISOM, iyadoo Uganda ay tahay dalka ugu badan ee ay ciidamo ka joogan Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -