Golaha Shacabka oo kulan looga hadlayo ajendayaal xasaasi ah ku leh Muqdisho

Xildhibaannada Golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh xaruntooda KMG-ka ah ee magaalada Muqdisho

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah labo qodob, waxayna kala yihiin, Akhrinta  koowaad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2021-ka iyo akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka dhismaha Hay’adda dhiirigalinta Maalgashiga.

Dhowaan ayey aheyd markii golaha wasiirada xukuumada Somalia ay ansixiyeen Miisaaniyada dowlada ee sanadka 2021, taasoo ka badneyd miisaaniyada sanadihii la soo dhaafay.

Muddo xileedka xildhibaannada golaha shacabka ayaa waxaa ka harsan maalmo kooban waxaana horyaal ajendayaal muhiim ah oo la doonayo iney ansixiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -