Siyaasi caan ah oo shaaciyay in Xildhibaanada loo qeybiyay lacag ka badan Hal Malyan Dollar oo …

Siyaasiga Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa shaaciyay in Xildhibaanada golaha Shacabka loo qeybiyay lacag ka badan $1645,000 (Hal malyan lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo dollar) kadib booqashadii Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Qadar.

Qoraal uu bartiisa Facebooka soo dhigay Abdirahman Abdishakur ayuu ku sheegay lacagta loo qeybiyay Xildhibaanada in aysan aheyn Mushaar , waxa uuna tilmaamay in lacagtan oon loo marin habraaca maaliyadeed ee dowlada loo qeybiyay Xildhibaanada.

Waxa uu sheegay Siyaasiga  in nasiib daro tahay in lacag ka badan hal malan oo Dollar Xildhibaano si bilaash ah loogu qeybiyo xili dalka ay ka jiraan dhibaatooyin isbiirsaday sida fatahaado .

Halkan ka Akhriso Qoraal uu Facebook soo dhigay Abdirahman Abdishakur

Booqashadii Dooxa ka dib waxaa xildhibaanada loo qaybiyey lacag gaaraysa $1645,000 (Hal malyan lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo dollar). Lacagtaas mushaar maaha mana marin habraaca maaliyadeed ee dawliga ah ee kaash ahaan ayaa loo qaybiyey. Waa masuuliyad daro tii ugu wayneed in dalka oo fatahaad iyo colaad ku jira hantida qaranka lagu takrifalo, iyadoo uu ujeedku yahay af wax cunay ka xishoodsii oo yaanan la isla xisaabtamin.

Weli dawladu ma bixin lacagihii ay u balanqaaday fataahada Hiiraan, weli burburkii Muqdisho soo garaay wax wayn lagama qaban. Weli cabashadii dawlad Goboleedyada ee balanqaadkii dhinaca amniga iyo kaalmo la’aan dhaqaale waa sidiisii, weli colaadda sokeeye ee Puntland iyo Somaliland cidna deminteeda looma dirin. Dhinaca kale, horjoogihii kooxda xagjirka ah ee Alshabaab ayaa ku faanay in Madaxweynihii qaranka uu qirtay in laga adkaan waayeen, isagoo sabab uga dhigay caqiido la’aanta ciidanka Soomaaliyeed.

Waxgaradka Ahlu Xal Wal Caqdiga ah ee damiir iyo dadnimo leh waa in ay masuuliyadooda qaataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -