Daawo Sawirro: Wasiirka Amniga oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Afgooye iyo Khasaaraha ka dhashay

Waxaa maanta qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana qaraxan lala eegtay ciidamo katirsan dowlada.

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in qaraxii maanta ka dhacay degmada Afgooye ay fashiliyeen ciidanka dowlada uu sheegay in feejignaan ku jireen.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Gaariga markii ay ku adkaatay in uu dhaafo goob ay ku sugnayeen Ciidamada oo aad u dhiiranaa uu kaligiisa iska qarxay kadib markii ay Ciidanku rasaaseeyeen, waxa uuna intaa ku daray in kaliya qaraxaasi ku dhintay ninkii ismiidaamiyay.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxan ayaa dhankeeda shaacisay in qaraxaasi ku dileen ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan ciidamada ay tababaraan Dowlada Mareykanka ee saldgiga ku le garoonka Bali-Doogle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -