Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamada Galmudug oo soo qabtay qaar ka mid ah dableydii leysay saraakiisha

Ciidamada Qaranka iyo kuwa Galmudug oo wada hawlgal lagu baadi-goobayo kooxihii dil wadareedka u geystay saraakiil ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ka tirsan ayaa ku guulaystay In ay gacanta ku soo dhigaan mid ka mid maleeshiyaadkii falka dilka geystay oo hubaysan.

Maamulka degmada Guriceel iyo ciidamada amniga ayaa sidoo kale ku guulaystay In ay helaan mid ka mid ah saaraakiishii la weeraray oo la waysanaa oo badqaba, ayadoo sidaas ay ku noqonayaan saraakiisha weerarkaas ka badbaaday 3 sarkaal.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa guddi baaritaan u saartay dhacdadii shalay galab ka dhacday meel u dhexeysa Guriceel iyo Balanballe kuwaasoo baaritaan qotodheer ku samaynaya falkii weerarka saraakiisha.

Ciidamada amniga ayaa tan iyo shalay marka ay dhacdadii foosha xumeyd ay dhacday weli ku raadjooga kooxihii weerarkii shalay ka danbeeyey, si loo horkeeno cadaaladda.

Related posts

Koonfur galbeed oo shaacisay qabashada 3 ka mid ah kuraasta golaha shacabka

Caydiid Ali

Nin Maamule ka ahaa Iskuul oo caawa lagu qaarajiyey Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo Indhihiisa kusoo arkay Dhibaatada ka jirta Jowhar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---